Waddani Party – Unity and Performance
Q.1aad. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Xirsi Cali X. Xasan ayaa kulan ballaadhan la yeeshay qaybo ka mid ah xisbiyahannada, dhalinyarada, haldoorka iyo aqoonyahanka Xisbiga WADDANI.Kulanka, oo ay sidoo kale ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray Barnaamijka Xubinnimada iyo Qaadhaanka Xisbiga (Party Membership and Subscription Program).Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu haldoorka iyo aqoonyahanka ka soo qaybgalay kulanka la wadaagay qorshayaasha dib-u-habaynta Xisbiga, isaga oo ka dhegaystay talooyin iyo aragtiyo la xidhiidha qorshayaasha iyo hawlaha Xisbiga.Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Xisbiga WADDANI ee lagu xoojinayo xidhiidhka uu la leeyahay xubnaha Xisbiga, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗙𝗮𝘅𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲 𝗞𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗔𝗗𝗗𝗔𝗡𝗜 𝗲𝗲 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗮𝘅𝗶𝗹Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa Mudane Axmed Cali Faxle dib ugu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Saaxil.Guddoomiyuhu waxa uu mundane Axmed Cali Faxle kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadkiisa shaqo, si la mid ah muddadii uu hore u hayay xilkan, kana shaqeeyo dardar-gelinta hawlaha xisbiga ee Gobolka Saaxil
Q,2aad: Kulanka Hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI iyo aqoonyahanka degmada 31-ka May.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan ayaa galabta kulan ballaadhan la yeeshay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo ka kala socday sagaalka 9-ka degmo ee Caasimadda Hargeysa.Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Xisbiga WADDANI, ayaa diiradda lagu saaray Barnaamijka Xubinnimada iyo Qaadhaanka Xisbiga (Party Membership and Subscription Program).Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu dhalinyarada la wadaagay qorshayaasha dib-u-habaynta Xisbiga, isaga oo ka dhagaystay talooyin la xidhiidha qorshayaasha Xisbiga